Mid ka mid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka oo la dilay

Wararka aan ka heleyno Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay lagu mid kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Dilkan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada lagu magacaabo Siigaale oo ku taalla gudaha Degmada Afooye,isla markaana waxaa Ninka Ergada ahaa u geystay kooxo hubeysnaa Bastoolado xili uu halkaasi ku sugnaa.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Maadey,kaasi oo kamid ahaa  Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka eek a soo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,sidoo kalena kamid ahaa dadka deegaanka.

Wararka ayaa waxaa ay tilmaamayaan in kooxihii ka dambeeyay dilkaas goobta si deg deg ah uga baxsadeen,isla markaana waxaa goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo halkaasi ka qaaday Meydka Marxuumka.

Intaasi kadib Ciidamada ayaa baaritaano kooban waxaa ay ka sameeyeen Xaafada lagu magacaabo Siigaale oo ah halkii uu ka dhacay Dilka loo geystay Maxamed Maadey,mana jirto cid loo soo qabtay falkaas.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada dilkii loo geystay Maxamed Maadey,kaasi oo ay sheegeen in uu  kamid ahaa Ergadii Magaalada Baydhabo uga qeyb qaatay soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga soo doortay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media