Waxaa xalay Isbitaal ku yaalla Magaalada Doha ee dalka Qatar ku geeriyooday mid kamid ahaa dhaawacyadii loo qaaday dalkaas,kaasi oo ku dhaawacmay qaraxii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Geerida Marxuumka ayaa waxaa xaqiijisay Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo la socotay dadkii loo qaaday dalka Qatar.
Warar la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in Marxuumka geeriyooday lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Cusmaan Cali,kaasi oo ku dhaawac culus uu ka soo qaaday Qaraxii ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa lagu waramayaa in xaaladda Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow lagu daaweynayo Isbitaalka Hamad ee magaalada Doha ay tahay mid aad u wanaagsan,isla markaana ay soo hagaageyso.
Sikastaba Dalka Qatar ayaa waxaa loo qaaday 12 Ruux oo ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,kuwaasi oo ku dhaawacmay qaraxii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay Xarunta Gobolka,hayeeshee waxaa xalay geeriyooday mid kamid ahaa dadkaas.