Michael Keating “Dowladda waan kala tashaday inaan ka qeyb galo Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada”

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya ee waqtigiisa sii dhamaanayo Michael Keating ayaa hadalkaan sheegay isaga oo wareysi siinayey mid ka mid Tv-yada ku hadla Afka Soomaaliga.

Michael Keating ayaa sheegay in kulanka uu kala qeyb galayo Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada in uu yahay mid uu ku mac salaameynayo,isla markaana dowladda Federaalka Soomaaliya uu kala hadlay booqashadiisa Kismaayo.

“Haa waxaan casuumaad ka helnay Golaha Iskashiga Dowlad Goboleedayda caadiyan kulamadaan oo kale kama qeyb geli jirin balse waxaan ugu talo galay inaan ku macsalaameeyo dhamaan hoggaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya maadaama aan Shaqada ka tegayo ayuu yiri Michael Keating.

Ka hor shirka Kismaayo ka socdo ayuu sheegay in Madaxda Dowlad Goboleedyada kulankii gaarka ahaa uu  kala hadlay inay muhiim tahay Nidaamka awood  qeybsiga kheyraadka dalka,sidii loo xoojin lahaa hay’adaha amniga iyo la-dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu Kismaayo u joogo in uu dhageysto hadalada Madaxda Soomaalida inta uusan ka qeyb gelin Shirka Amniga ee Qaramada Midoobey oo 10 Maalin kadib ka dhacaya Magalada Newyork ee dalka Mareykanka,isla markaana uu  la kulmi doona Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay si aan ugu gudbiyo  hadalada hoggaamiyeyaasha Siyaasada Soomaalida.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor