War Goordhow soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxaa uu sheegayaa in duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Sarkuusta daqiiqado kahor lagu arkay Meydka Wiil dhalinyaro ahaa.
Dadka deegaanka ayaa tegay goobta lagu arkay Meydka si ay u soo Aqoonsadan,isla markaana waxaa ay sheegeen in qofkaas lagu dilay Xarig welina la aqoosan la’yahay.
Sidoo kale Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay tageen deegaanka Sarkuusta ee Duleedka Magaalada Muqdisho goobtana ay ka qaadeen Meydka Wiilka,kaasi da’ahaan lagu qiyaasay 25 jir.
Weli lama oga dadkii ka dameeyay dilkaas,waxaana wararka qaar ay tilmaamayaan inay ka dambeeyeen dilka Wiilka dad aan la aqoonsan waxa ay ahaayeen,kuwaasi oo baxsaday.
Dhawaan ayaa deegaanka Weeydow ee duleedka Magaalada Muqdisho sidaan oo kale loogu arkay Meydka Wiil dhalinyaro ahaa,kaasi oo la aqoosan cida dishay iyo sababta loo dilay intaba.