Meydka Wasiir Xoosh oo Maanta la keenayo Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in la keeno Meydka Wasiirkii Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya oo maalin kahor ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Dubai ee dalka isutagga Imaaraadka Carabta.

Saacadaha soo socda ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho laga soo dejin doonaa Meydka Wasiir Xoosh,isla markaana waxaa loo sameeyn doonaa Aas qaran oo ay ka qeyb geli doonaan Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa magacaabay guddiga Qaban-qaabada aaska qaran ee marxuum Xoosh oo ka kooban Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, waxbarashada, Warfaafinta, Kalluumeysiga iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha Dastuurka.

Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Xoosh  Jibriil oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya ayaa maalintii Jimcaha aheyd ee la soo dhaafay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Dubai ee dalka isutaga Imaaraadka Carabta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media