Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Muqdisho laga soo dajiyay

Waxaa  garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaaalada Muqdisho laga soo dajiyay Meydka Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Diyaarad sidday Meydka Marxuumka ayaa goordhaweyd soo caga dhigatay garoonka, waxaana sidoo kale goobta ku sugan mas’uuliyiinta ugu sarreeysa Dowladda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo maadxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo.

Waxaana Jannaasada lagula Dukaday garoonka, iyadoo ay qayb ka yihiin Jannaasada Mas’uuliyiin kala duwan, oo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah Madaxweynayaashii dalka soo maray,

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor