Meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo berri la keeni doono Muqdisho

Guddiga ra’isul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u xil saaray aaska Allah u naxariitee, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed, ayaa sheegay in maalinta beri ah la keeno doono Maydka madaxweynaha.

Cumar Maxamed Maxamuud, guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddigaas kamid ah ayaa sheegay in shaqada guddiga ay tahay diyaarinta hab-maamuuska dowliga ah ee  aaska qaran ee loo sameynayo madaxweyne Cali Mahdi Maxamed.

Allah u naxariitee, Cali Mahdi Maxamed ayaa ku geeriyooday  isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo da’diisu tahay 83 sano jir.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa guddi ka kooban 11 xubnood oo ay kamid yihiin; wasiiro, xildhibaano iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir u xil saaray qaban qaabada aaska Allah u naxariitee, Cali Mahdi Maxamed.

Sidoo kale, madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliy ayaa ku dhawaaqay in sadex maalin oo baroor-diiq ah loo sameyn doono isla markaana calanka jamhuuriyadda hoos loo dhigi doono, si loo maamuso madaxweyne Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxweynihii affaraad ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor