Meydka Hal Ruux oo laga helay Xeebaha Puntland & kuwo kale oo lagu la’yahay

Ruux Meydkiisa laga helay xeebaha Puntland ayaa ka mid ahaa lix Ruux oo ila shlay lagu la’aa badda,waxana la sheegay in lixdaasi Ruux ay ahaayeen kalluumeysato balse Badda lagu waayey xilligii Shaqada ay ka soo bixi jireyn.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa waxa ay sheegeen in Saacado badan ka dib meydka mid ka mid ah lixda Ruux ay Badda soo tuftay,balse weli Shantii kale la la’yahay iyo laashkii ay wateen.

Ehelada Shanta Ruux iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Badda Puntland ayaa haatan ku mashquulsan baadi-goobta dadkaasi kalluumeysatada ahaa ee Badda lagu la’yahay,waxaana saraakiisha ciidamadu ay sheegeen in weli dadaalku uu socdo.

Dabeylo xooggan oo xilligaan jira ayaa sabab u noqotay in dadkaas sida la’aaminsan yahay ay doontii ay wateen la gadoontey,isla markaan aay wayeen cid badbaadisa,laakin waxaan wadnaa dadaalo farabadan,waxan rajeynayaa in aan dadkaasi nololiyo geeri mid aan ku helno ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada oo la hadlay Voa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor