Meydka Gabar yar oo si arxan darro ah loo dilay oo laga helay Boosaaso

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii Maanta xaafad ka tirsan Magaaladaas laga helay Meydka gabar yar oo si arxan darro ah loo dilay.

Meydka gabadha ayaa lagu arkay xaafadda Raf iyo Raaxo ee Boosaaso, isla markaana waxaa dad dul tegay Meydka ay sheegeen in wejiga Gabdha ay ka muuqdeen dhaawacyo Culus oo loo geystay.

Sidoo kale dad ku sugan Boosaaso ayaa ku warramay in weli la aqoonsan yahay Meydka gabdha yar ee la helay, waxaana la geeyay Isbitaalka guud ee Magaalada, iyadoona halkaas ay tageen boqolaal qof oo doonayay inay arkaan Meydka gabadha.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada Boosaaso ayaa wada baaritaano kala duwan oo ku aadan dilka loo geystay gabadha yar oo kamid aheyd dadka deegaanka, ilaa iyo haddana lama oga sababta loo dilay, halka wax loo adeegsaday falkaas.

Dadka deegaanka ayaa Maanta aad u hadalka haaya dhacdadaan, waxaana dadka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay u sheegeen inay ka xun yihiin falka dhacay, sidoo kalena laamaha amniga Puntland ugu baaqay inay baaritaano deg-deg ah sameeyaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media