Meydadka Rag ay dishay koronto oo lagu arkay Muqdisho iyo faah faahin la helay

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa saddex Nin la sheegay inay tuugo ahaayeen oo saqdii dhexe ee xalay koronto ku dishay xaafad ka tirsan degmada Boondheere ee Gobolkaan Banaadir.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dhacdadaan ragga tuugada ah ay korontada ku dishay ka dhacday xaafad ku taalla agagaarka Isgoyska Siinaay dhanka xigta degmada Boondheere.

Ragga ayaa la tilmaamay inay qodayeen baalooyin koronto hoostooda, isla markaana ay doonayeen inay ka furtaan fiilooyin, balse ay korontada ku dhagtay, kadibna ay goobta ku dhinteen durbadii saddexdooda.

Dadka deegaanka ayaa saaka arkay Meydadka raggaas oo hoos yaalla baalaha korontada, waxaana markii dambe goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo qaaday Meydadka.

Maamulka degmada Boondheere ayaan welli ka hadlin falkaan tuugada ku dishay korontada, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidaan oo kale kal horey ay koronto ugu dishay rag burcad ahaa oo doonayey inay baalooyin koronto ka furtaan macdan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor