Meydadka Dagaalamayaashii Al-shabaab ee weeraray Hotelka Dusit D2 oo loo qaaday Mareykanka

Saraakii ka socotay Hay’adda Dembi-baarista Boliska Maraykanka ee FBI-da ayaa la sheegay inay qaateen Haraagga maydadkii 6-dii Dagaalame ee bartamihii bishii hore weerartay Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi, sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya.

Sarkaalkaasi oo magaciisa qariyey ayaa u sheegay Wargeysja The Nairobian in maydadka 5 Dagalaame iyo haraagga mid kale oo is-qarxiyey loo qaaday dalka Maraykanka, si ay ugu soo sameeyaan Baaritaano dheeraad ah.

Saraakiisha FBI-da ayaa la sheegay inay codsadeen baaritaano dheeraad ah ku soo samaeeyaan maydadkaasi, iyadoo la aqoonsaday oo keliya Ninkii geystay Is-qarxintii Hoteelk Dusit D2, kaasi oo Baarayaasha magaciisa ku sheegeen Maahir Khaalid Riziqi oo 25-jir ahaa, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sarkaal ka tirsan Hay’adaha Ammaanka Kenya ayaa sheegay inay Hay’adda FBI-da qaateen maydadkaasi, si ay baaritaano Teknoolajiyadeeda sarreeyso ee dhinaca DNA-da ku soo sameeyaan maydadkaasi.

Si kastaba ha’ahaatee, Saraakiil ka kala socotay Hay’adda FBI-da Maraykanka iyo  Sirdoonka Israel ee MOSAAD ayaa la sheegay inay Kenya gacan ka siinayaan baaritaanka Weerarkii ay Alshabaab bishii hore ku qaadeen Hotelka Dusit  D2 ee Nairobi oo lagu dilay Labaatameeyo qof oo ay ku jiraan Muwaadiniin u kala dhashay Maraykanka iyo Britain.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media