Meydad caawa lagu arkay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu arkay meydadka 4 Qof oo la soo dhigay.

Dad ku sugan Ceelasha ayaa u sheegay Dalsan in laamiga dhinaciisa lasoo dhigay 4 ruux oo meyd ah oo indhaha ka xiran,kuwaas oo aan weli la ogeyn dadka ka dambeeyay dilkooda.

Dadweyne Farbadan oo ku nool Ceelasha Biyaha ayaa tegay Goobta meydadka ay yaalaan,iyada oo la aqonsan yahay dadkaasi la dilay,isla markaana,iyaga oo indha ka xiran halkaasi la dhigay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta Meydadka lasoo dhigay,kuwaas oo wada baaritaano ku aadan waxa ay ahaayeen meydadkaas iyo dadka ka dambeeyay dilkooda.

Wararka kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor