HomeWararMaydka Saynis-yahanad u dhalatay Maraykanka oo la helay

Maydka Saynis-yahanad u dhalatay Maraykanka oo la helay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Maydkii Saynis-yahanada lagu magacaabi jirey Suzanne Eaton ayaa la sheegay in xalay laga helay Jesiiradda Crete ee dalka Giriigga, kadib, markii la la’aa muddo 7 maalmood. Boliska dalka Giriigga waxay sheegeen inay xalay heleen maydkeeda, isla markaana ay wadaan baaritaano, waxayna ka gaabsadeen inay bixiyaan faahfaahinta waxa sababay dilkeeda. Haweeneydaasi oo 59-jir waxay ka hawlgeli […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maydkii Saynis-yahanada lagu magacaabi jirey Suzanne Eaton ayaa la sheegay in xalay laga helay Jesiiradda Crete ee dalka Giriigga, kadib, markii la la’aa muddo 7 maalmood.

Boliska dalka Giriigga waxay sheegeen inay xalay heleen maydkeeda, isla markaana ay wadaan baaritaano, waxayna ka gaabsadeen inay bixiyaan faahfaahinta waxa sababay dilkeeda.

- Advertisement -

Haweeneydaasi oo 59-jir waxay ka hawlgeli jirtay Machadka  the Max Planck Institute a oo ku yaalla magaalladda Dresden ee dalka Jarmalka, waxaa markii ugu dambeysay ee la arko ay ahayd bishan July 2-dii oo ay ku sugnayd meel ku dhow magaalladda Dekedda leh ee Chania ee dalka Giriigga, halkaasi oo ay kaga qeyb galaysay Shirweyne.

Waxay kaloo wax ka dhigi jirtey  Xarunta Biotechnology Center ee magaalladda Dresden,  waxayna  asal ahaan ka soo jeedaa magaalladda Oakland ee Gobalka California, waana hooyo leh 2 carruur.

Waxaa la sheegay inay maalin kasta ordi jirtay 5 KM, waxayna jeclayd Orodka iyo Legdanta, sida ay sheegeen Saaxiibadeeda.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, hadal ka soo baxay Machadka Cilmi-baarista unugyadda Bayolojiga iyo Hiddo-sidaha ee magaalladda Dresden ee dalka Jarmalka ayaa lagu xaqiijiyey geerida Saynis-yahanadaasi, inkastoo aan faahfahain dheeraad ah laga bixinin waxa sababay geerideeda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts