Maydka Muwaadin Soomaali ah oo laga helay dalka Maraykanka

Boliska magaalladda Olmsted ee ka tirsabn Gobalka Minnesota ee dalkaasi ayaa sheegay inay heleen maydka Nin Soomaali ah oo ay dhaawacyo rasaaseed ka muuqdeen.

Boliska ma aysan sheegin magaca Marxuumka, balse waxay tilmaameen inuu da’da Labaataanka ku jiray.

Maamulayaasha Deegaanka waxay sheegeen inay ka war sugayaan  inay xaqiijin ka helaan Waaxda Dembi-baarista Gobalka Minnesotaiyo Xafiiska Minnesota ugu qaabilsan Baaritaanka Daawada si ay u caddeeyaan qaabka loo dilay Marxuumkaasi.

Boliska waxay sheegeen in maydka Marxuumka laga helay  gaari dhexdiisa, mana jirin  dad kale ama gaadiid kale oo ku sugnaa Deegaanka laga helay Marxuumka.

Kevin Torgerson oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Olmested ayaa wax laga weydiiyey inuu dilkaasi ahaa fal is-dilid ah waxa uu ka gaabsaday arrintaasi , isago oshaki buuxa ka muujiyey geerida Marxuumkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, haddii geerida Marxuumkaasi la sheegay inu uahaa Fal Is-dil ah, waxa uu noqon doonaa  dilkii ugu horreeyey ee ka dhacay sannadkan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media