Maydka Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Mursi Ciisa Al-ayat ayaa la sheegay in Waaberigii hore ee saakayto (Abaarihii 5-tii Aroornimo ee xilliga dalkaasi) lagu aasay Qabuuro ku yaalla magaalladda Nasar ee Bariga magaalladda Qaahira.
Ilo-wareed ayaa sheegay in ay xubnaha Qoyskiisa iyo Qareenadooda goobjoog ka ahaayeen Aaskiisa, iyadoo aad loo adkeeyey Ammaanka Guud ee dalkaasi.
Dukumentiyo la arkay oo aan xaqiijin Karin oo la soo dhigay Baraha Bulshadda ayaa waxaa lagu muujiyey inay xubnaha Aaska Marxuumka ka qeyb galay ahaayeen Mursi wiilkiisa, Xaaskiisa, Nin isaga la dhashay iyo 2 Qareen.
Mar sii horreysay Dowladda Masar waxay ku gacan sayrtay Codsi uga yimid Qoyska Maxamed Mursi oo ahaa in Marxuumka lagu aaso Deegaanka uu ka soo jeedo, kuna dhashay ee Gobalka Sharqiya ee Waqooyiga dalkaasi.
C/llaahi Maxamed Mursi oo la hadlay REUTERS ayaa sheegay in loo diiday in Aabihiisa lagu aaso Qabuuro ku yaalla Deegaanka ay ka soo jeedaan.
Dhinaca kale, Telefishinka Dowladda Masar waxa uu Waaberigii hore ee saakayto oo Talaado ah sheegay inuu Maxamed Mursi la xanuunsanaa Buro Boog ah, balse uu u geeriyooday Wadna-xanuun.
Dacwad-oogaha Masar, Nabiil Sadiiq waxa uu sheegay inaysan Marxuum Maxamed Mursi oo 67-jir ahaa ku oolin jirkiisa wax calaamado dhaawaxyo ah, balse, Qoyskiisa iyo Ururka Akhwaanul-muslimiinka Masar waxay ku baaeen in Baaritaan caalami ah lagu sameeyo waxa sababay dhimashadiisa.
Maxamed Mursi oo ahaa xubin Hoggaanka Ururkaasi, waxa uu sannadkii 2012-kii ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda ee dalka Masar.
Waxa uu xilkaasi hayey laga bilaabo bishii June 30-dii ee sannadkii 2012-kii ilaa bishii July 3-dii ee sannadkii 2013-kii, waxaana xilka ka tuuray Saraakiisha Milliteriga ee dalkaasi oo uu hoggaaminayey Jeneral C/fataax Al-sisi oo haatan ah Madaxweynaha dalkaasi,