Maydadka dhowr qof ka mid ahaa Tahriibayaal ay doonyo kula degeen Xeebta Jabuuti oo la helay

Ugu yaraan 130 Tahriibayaal ayaa la sheegay inay 2 dooni shalay galab kula degeen Xeebaha dalka Jabuuti, sida ay xaqiijiyeen Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IOM.

Warbixin ay IOM soo saartay ayaa lagu sheegay in Tahriibayaashaasi oo ku sii jeeday dalka Yemen ay labada dooni kula degtay meel ka baxsan Xeebta Degmadda Godoriya ee Gobalka Obokh ee W/bari ee dalka Jabuuti.

Sida laga soo xigtay dad ku sugnaa Xeebta Godoriya ayaa sheegay inay labada dooni ay degeen 30 daqiiqo kadib, markii ay ka shiraacdeen.

Waxaana la sheegay inay doonyahaasi oo aad loo buux dhaafiyey inay degtay, xilli ay Mowjadda badda kacsanayd.

Ciiddanka Xabuuti oo adeegsanaya 2 ka mid ah doonyaha Ilaalada Xeebaha ayaa la sheegay inay weli guda-jiraan hawlgal lagu baadi-goobayo  Tahriibayaasha lagu la’ yahay Badda.

Dhinaca kale, Wasaaradda Caafimaadka ee Jabuuti ayaa sheegtay in maydadka 5 ka mid ah tahriibayaasha oo la helay la dhigay Isbitaal ku yaalla Gobalka Obokh, si baritaan loogu sameeyo.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in 2 qof ka badbaaday Shilkaasi, kuwaasi oo sheegay in mid ka mid ah doonyaha degay ay la socdeen in ka badan 130 qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor