Maxkamadeynta Askari dilay Wiil dhalinyaro ah oo bilaabatay

Maxkamadda derajada koowaad ee Ciidamada qalabka ayaa u fariisatay dhageysiga dacwad loo haysto sedex askari oo ku eedeysan dilka marxuum Shaafici Xaaji, Diiriye kaasi oo lagu dilay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddoomiyaha Maxkamada derajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa la filayaa inuu maanta ku dhawaaqo xukunka lagu ridi doono sedexda eedeysane ee loo haysto kiiska dilka ahaa ee marxuum Shaafici Xaaji Diiriye

Dhegaysiga kiiska ayaa waxaa goobjoog ka ah senator Dhagay oo ka mid ahaa golaha aqalka sare ee Baarlamaanka, islamarkaana askarta dilka geysatay ay ahaayeen ilaaladiisa

Dhawaan ayay aheyd markii ciidamo ilaalo u ahaa Senator Dhagey ay magaalada Dhuusamareeb ku dileen Shaafici Xaaji Diiriye, kaasi oo ka mid ahaa dhalin yarada ugu fir fircoon ee magaalada Dhuusamareeb.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media