Maxkamadda Somaliland oo Maanta xukun ku riday Askari Dil u geystay Taliye

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka Milateriga Maamulka Somaliland ayaa Maanta oo Axad ah dil toogasho ah ku xukuntay Dable Axmed Cabdi Cabdullaahi oo Arbacadii toddobaadkii hore magaalada Lawyocaddo dil bareer ah ka geystay.

Eedeysane Dable Axmed Cabdi ayaa dilay Taliye Khadar Maxamed Caynaanshe oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, waxaana falka kadib gacanta ku dhigay Dable Axmed ciidanka maamulka Somaliland oo xiray.

Maxkamadda Ciidanka Milateriga Maamulka Somaliland ayaa Dable Axmed Cabdi ku heshay demiga dilka ah oo uu geystay, isla markaana waxaa ay ku riday xukun dil toogasho ah, fadhiga Maxkamadeynta ayaa waxaa ku sugnaa ehelada Marxuumka.

Eedeysane Dable Axmed Cabdi ayaa u dilay Taliye Khadar Maxamed Caynaanshe oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland sabab la xiriirta muran soo kala dhex-galay, kaasi oo keentay inuu dil geysto Axmed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor