Maxkamadda Sare ee Maraykanka oo dhegaysanaysa eedo argagixiso oo loo haysto Google, Twitter iyo Facebook

Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay Isniintii inay dhegaysan doonto laba dacwadood oo ka dhan ah shirkadaha waaweyn ee iska leh baraha isgaadhsiinta bulshada, taas oo lagu eedaynayo shirkadahaasi inay qayb ku lahaayeen masuuliyadda weeraro argagixiso oo la qaaday, waxaana kooxda dacwoonaysaa ay doonayaan in shirkadahan lagu xukumo inay magdhaw bixiyaan.

Ehelada dad lagu laayey weeraro argagixiso oo ka kala dhacay Faransiiska iyo Turkiga ayaa dacweeyey shirkadaha Google, Twitter iyo Facebook, iyaga oo ku eedeeyey in shirkadahani inay ka caawiyeen kooxaha xagjirka ah inay faafiyaan fariimahooda, si ay dadka u xagjireeyaan isla markaana dad cusub u qortaan.

Maxkamadda Sare ayaa sheegtay inay dacwaddan dhegaysan doonto, inta lagu guda jiro, kal-fadhigoodan oo bilaabmay Isniintii, waxaana la filayaa inay ka go’aan gaadhaan inta ka horraysa dhammaadka bisha June ee soo socota. Maxkamaddu ma aysan sheegin, xilli gaar ah oo ay dhegaysan doonto dacwaddan, hase ahaatee waxaa la ogsoon yahay in jadwalka maxkamaddu uu buuxo bilaha October iyo November.

Mid ka mida kiisaska ay maxkamadda sare dhegaysan doonto ayaa ah, Nohemi Gonzalez oo ah 23 jir u dhashay dalka Maraykanka oo wax ka baranayey magaalada Paris. Ardayga ayaa ka mid ahaa illaa 130 qof oo ay weerar ku dileen kooxda ISIS, bishii November ee sannadkii 2015.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor