HomeWararMaxkamadda Sare ee Kenya oo xayiraadda ka qaaday Hay’addo Islaami oo lala...

Maxkamadda Sare ee Kenya oo xayiraadda ka qaaday Hay’addo Islaami oo lala xiriirinayey Alshabaab

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Garsoore Anyara Emukhule oo ka tirsan Maxkmadda Sare ee Kenya ee ku taalla magaalladda Mombasa ayaa amray in xayiraadda laga qaado Labo Hay’ad u dooda Xuquuqda Aadanaha oo lagu tuhunsanaa inay maalgeliyaan Xarakadda Alshabaab. Garsooruhu waxa uu sheegay inaan la haynin caddaymo muujinaya inaysan  Hay’addaha  HAKI Afrika iyo  Muslims for Human Rights (MUHURI) wax xiriir […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Garsoore Anyara Emukhule oo ka tirsan Maxkmadda Sare ee Kenya ee ku taalla magaalladda Mombasa ayaa amray in xayiraadda laga qaado Labo Hay’ad u dooda Xuquuqda Aadanaha oo lagu tuhunsanaa inay maalgeliyaan Xarakadda Alshabaab.

Garsooruhu waxa uu sheegay inaan la haynin caddaymo muujinaya inaysan  Hay’addaha  HAKI Afrika iyo  Muslims for Human Rights (MUHURI) wax xiriir ah la lahayn Alshabaab.

- Advertisement -

Waxa kaloo uu tilmaamay inay Dowladda Kenya ku guul-daraysatay inay krrnssn sababo macquul ah oo lagu xayirayo Lacagaha Xisaabaadka Bangiyadda ee Labadaa Hay’adood, wuxuuna amray Bangiyadda inay dib u furan Xisaab-lacageedyada Labada Hay’adood.

Hay’addaha HAKI Afrika iyo  Muslims for Human Rights (MUHURI) waxa Dhaqdhaqooda Hawleed la xayiray bishii April ee sannadkan, kadib, markii ay dhaceen Weeraradii Alshabaab ku qaadeen Jaamacadda Garissa oo lagu dilay 148 qof oo u badnaa Arday.

Xilligaasi waxay Dowladda Kenya xayiraad ku soo rogtay 85 Ganacsade, Bangiyo iyo Xawaaladaha Soomaalida ka hawlgala gudaha Kenya, kuwaasi oo lagu tuhunsanaa inay maalgeliyaan Hawlgalladda Alshabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Hay’adda HAKI waxay soo dhaweeyeen Go’aanka Maxkamadda Sare Kenya kuna tilmaameen guul u soo hooyatay Dastuurka iyo dadka Kenya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts