Maxkamadda Sare ee dalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah xukun dil toogasho ah ugu ridday Sayid Cali Macallin Daa’uud, kadib markii lagu helay danbiga gubista xaaskiisa, Marxuumad Luul Cabdi Casiis, oo ahayd haweeney uur leh. Xukunka waxaa horay ugu soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka, taasoo muujineysa sida kiiskaani uu u soo maray heerar kala duwan oo garsoor.
Ehelada Marxuumadda ayaa si weyn uga codsaday dowladda cadaalad, iyaga oo cod dheer ku dalbaday in xukun cadaalad ah lagu fuliyo Sayid Cali. Marxuumad Luul ayaa ahayd qof si gaar ah loo xushmeeyay, iyada oo ay taageero ka heleysay qeybaha bulshada oo badankood ku baaqay in Sayid Cali lagu fuliyo dilka toogashada ah, sababo la xiriira ficilka kas ah ee uu ku gubay xaaskiisa.
Marxuumaddu waxay ahayd haweeney uur leh xilliga ay geeriyootay, taasoo sii xoojisay dareenka bulshada ee kiiskaan ka dhashay.
Kiiska Sayid Cali ayaa dhowaanahan noqday mid si weyn looga hadal hayay dalka, iyadoo bulshada qeybo badan ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin falkii foosha xumaa ee lagu sameeyay marxuumadda.
Dad badan ayaa kiiskaan u arkay mid muujinaya muhiimadda in la adkeeyo sharciga iyo in la fuliyo cadaaladda marka dembi ba’an oo nuucaan ah uu dhaco. Maxkamadda Sare ayaa markan soo afjartay dacwadii muddada dheer soo socotay, iyada oo ku dhawaaqday in xukunka dilka lagu fulin doono Sayid Cali Macallin Daa’uud.
Xukunka toogashada ayaa la filayaa inuu noqdo mid dhab ahaan loo fuliyo, iyada oo ehelada iyo bulshada Soomaaliyeed ay si weyn u taageereen go’aankan adag ee maxkamaddu gaartay.