Maxkamadda Sare ee Ciiddamadda oo xukun ku riday raggii dilay Weriye Hindiya Xaaji.

Maxkamadda Sare ee Ciiddamadad Qalabka Sida waxay maanta laashay Rafcaanka dhowr Eedeysane  ay  ka qaateen xukun at Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciiddamadda bishii hore 25-dkii ku riday rag loo haystay dilkii Allaha U Naxariistee Marxuumad Hindiya Xaaji Maxamed Kheyre oo ka mdi ah Suxufiyiinta Warbaahinta Qaranka.

Maxkamadda Sare ee Ciiddamadda Qalabka Sida waxay dib u eegtay Xukunkii ay Eedeysanayaasha ka qaateen Rafcaanka, waxayna Maxkamadda maanta xukmisay:-

  • C/risaaq Maxamed Barrow Caddow oo 28-jir ah iyo Xasan Nuur Cali Faarax “Sheekh Aweys” oo 37 jir ah waxaa lagu xukumay Dil Toogasho ah.
  • ABDIRIZAK
  • XASAN NUUR
  • Macalin Maxamed Abuukar iyo Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere, waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’im.
  • Cali Xasan Aadan “Tooni” waxaa lagu xukumay 15 sanno oo Xabsi Ciiddan ah.
  • Muxiyadiin Cismaan Maxamed Cawaale, waxaa isagana lagu riday 10-sanno oo Xabsi Ciiddan ah.

Allaha U Naxariistee, Marxuumad Weriye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsanayd Weriyayaasha Telefishinka Qaranka (SNTV) iyo Radio Mogadishu waxay ku geeriyootay qarax miino oo loogu xiray gaarigeeda taariikhdu markay ahayd bishii December 3-dii ee sannadkii hore.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor