HomeWararMaxkamadda Sare ee Britain oo amartay in Iimaam u dhashay Somalia...

Maxkamadda Sare ee Britain oo amartay in Iimaam u dhashay Somalia laga furo qalab Elektronic oo lagu xiray

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Garoore British ah oo ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalkaasi  ayaa amray in laga saaro Iimaamkaasi qalab Elektoronik “Electronic Tag” oo ay Hay’addaha Ammaanka horey ugu xireen lugtiisa. Garsooraha waxa uu tilmaamay inuu qalabkaasi ka hor imaanayo Xuquuqda Aadanaha, isla markaana uu Eedeysanaha maskaxi ahaan xanuunsanayo. Garyaqaanadda Eedeysanahaasi ku nool gudaha dalka Britain ayaa ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Garoore British ah oo ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalkaasi  ayaa amray in laga saaro Iimaamkaasi qalab Elektoronik “Electronic Tag” oo ay Hay’addaha Ammaanka horey ugu xireen lugtiisa.

Garsooraha waxa uu tilmaamay inuu qalabkaasi ka hor imaanayo Xuquuqda Aadanaha, isla markaana uu Eedeysanaha maskaxi ahaan xanuunsanayo.

- Advertisement -

Garyaqaanadda Eedeysanahaasi ku nool gudaha dalka Britain ayaa ku guuleystay dacwadaasi, kadib, markii qalabka ku xiran looga shakiyey inay tahay Bambo.

Eedeysanaha oo magaciisa lagu soo koobay DD ayaa waxaa lagu tuhunsan yahay inuu taageerooyin muhiim u diray Alshabaab,waxayna Hay’addaha Ammaanka ee Britain weli u  aqoonsan yihiin inuu weli khatar yahay, isla markaana uu dagaalyahanno u qoro Alshabaab.

Hay’adda Ammaanka ee Britain ayaa sheegay inay ka fursan waayeen inay Eedeysanaha ku rakbaan qalabka Elektoroonik si loola socdo dhaqdhaqaaqiisa.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Garyaqaanadda Xoghayaha Arrimaha gudaha ee dalka Britain, Theresa May ayaa u sheegay Maxkamadda inay weli hayaan caddaymo muujinaya in Eedeysanaha Soomaaliga dhowr sanno Alshabaab u diri jirey taageero muhiim ah, isla markaana uu dhallinyarro uga qori jirey.

Waaxda Arrimaha Gudaha ee Britain waxay sheegeen haddii laga furo qalabkaasi inay suurtogal tahay inuu Eedeysanaha dib ugu laabto hawlaha uu ugu adeegayo Alshabaab.

Garsooraha ayaa ka digay haddii Eedeysanaha ay ku sii xirnaadaan qalabkaasi inay naftiisa halis galayso, isla markaana laga yaabo in ay ciiddanka Hay’adda Sirdoonka Britain ee MI 5 toogtaan, kana shakiyaan inuu bambo ku rakibay lugtiisa.

 

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts