Maxkamadda Nairobi oo amrtay in la sii daayo ama la soo maxkamadeeyo Eedeysane lala xiriirinayo Alshabab

Maxkamadda magaalladda Nairobi waxay maanta ku amartay Boliska La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda (ATPU) inay muddo labo maalmood Maxkmadda soo taagaan ama ay sii daayaan Nin ka tirsan Shaqaalaha Barlamaanka Kenya oo lala xiririirinayo Alshabaab.

Maxkamadda ayaa amarkaasi bixisay, kadib, markii ay diideen codsi ay Boliska (ATPU) ku codsadeen inay Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Ali Abdulmajiid Ahmed sii hayaan 10 maalmood oo dheeraad ah, si ay u dhamaystiraan baaritaanka la xiriira Kiiskiisa.

Ninkaasi ayaa looga shakiyey inuu qorsheynayey qarax uu ka geysto Dhismaha Barlamaanka ee magaalladda Nairobi.

Xigasho:- Daily Nation

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor