Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Maxamed Abshir Muuse, oo horay loogu helay inuu si bareer ah u dilay guddoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika, Alle ha u naxariistee Khaalid Cali Khaalid Awmuuse.
Dilkan oo dhacay 29-ka Luulyo 2024, ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso, wuxuuna argagax weyn ku abuuray bulshada magaalada iyo jaamacadda Bariga Afrika oo uu marxuumku ka mid ahaa shaqaalaha waaweyn.
Xukunka dilka ah ee lagu fuliyay Maxamed Abshir ayaa ka dhacay goob si weyn loo ilaaliyay, waxaana goobjoog ka ahaa ehelada marxuumka, masuuliyiin ka tirsan maxkamadda, iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga. Fulinta xukunka ayaa loo arkaa mid cadaalad u ah ehelada marxuumka iyo tallaabo lagu xaqiijinayo sharciga.
Maxkamadda ayaa sheegtay in Maxamed Abshir lagu helay dhammaan eedaymaha loo soo jeediyay ee la xiriiray dilka guddoomiye ku-xigeenka. Baadhitaanno ay sameeyeen hay’adaha baarista iyo caddeymo lagu soo bandhigay maxkamadda ayaa si cad u muujiyay inuu yahay dambiilaha dilka geystay.
Ehelada marxuumka oo goobta ku sugnaa ayaa soo dhoweeyay fulinta xukunka, iyagoo ku tilmaamay mid xaqiiqa ah oo ka turjumaya cadaaladda. Sidoo kale, bulshada ku nool Boosaaso ayaa dhacdadan ku macnaysay farriin cad oo muujinaysa in sharciga iyo kala dambayntu ay sareynayaan.
Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli hay’adaha amniga ee Puntland ay ku howlan yihiin xoojinta ammaanka iyo la dagaallanka falalka dambiyada ah ee caasimadaha waaweyn ee Puntland, sida Boosaaso, Garowe, iyo Galkacyo.
Maxkamadda gobolka Bari ayaa marar badan ku celisay inay ka go’an tahay fulinta sharciga iyo la dagaallanka dambiyada halista ah, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo amniga bulshada.