Maxkamadda Galmudug oo xukun ku riday Rag lagu qabtay howlgal la fuliyay

Maxkamadda degmada Cadaado ayaa xukun min hal sano oo xarig ah  ku ridday laba dhallinyaro ah ,kadib markii laba cisho ka hor lagu qabtay howlgal ay fuliyeen ciidamada Booliska oo ka dhacay deegaanka Ballisonkor ee Galmudug.

Labadaan dhallinyaro oo lagu kala magacaabo Xuseen Axmed C/laahi iyo Xasan Xuseeen Cumar,ayaa la soo qabtay xilli ay wateen gaari ay ka buuxeen 17-kartoon oo khamri ah iyo laba qori oo AK ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Cadaado C/casiis Ciise Cali iyo Taliyaha saldhiga ciidanka Booliska ee Cadaado Maxamed Cadceed ayaa goobjoog ka ahaa xukunkaasi min halka sano ah ee lagu xukumay dhallinyaradaasi.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in dhallinyaradaasi ay bixiyaan ganaax dhan 5-boqol oo doolar,waxaana duleedka Cadaado lagu burburiyay 17-kii kartoon ee khamrada ahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor