Maxkamadda CQS oo xukun ku riday Askari Dil ka geystay Dhuusamareeb

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo sabti ah xukun Dil toogasho ah ku riday Askari Ilaalo u ah Senator Dhageey Geelle Ugaas oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan Magaalada Dhuusamareeb ku dilay Wiil dhalinyaro ah.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Maxamed Cabdi Nuur Geedi “Madax Yarey” ku heshay dilka Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye oo kamid ahaa dhalinyarada firfircoon ee Dhuusamareeb, kaasi oo dilkiisa uu dhacay 28-kii Maarso ee Sanadkan.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa Maxamed Cabdiweli Xasan “Boqol” ku riday xukun Shan sano oo xabsi Ciidan ah, kadib markii ay Maxkamaddu Ogaatay in uu kiciyay Fowdada uu ku geeriyooday Marxuum Shaafici Cabdi.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in Maxamed Cabdi Nuur lagu riday xukun Dil toogasho ah oo ah qisaastii Shaafici Cabdi, halka Maxamed Cabdiweli isna lagu xukumay Shan sano oo xabsi Ciidan ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media