Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo dil toogasho ku fulisay askari dil gaystay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa maanta dil toogasho ku fulisay Galad Xaashi Warsame oo ka tirsanaa ciidanka Nabad sugidda, isla markaana dhawaan dil u geystay qof rayid ah oo lagu magacaabi jiray Jeelow Maxamed Macalin Maxamuud, taasi oo ahayd qisaasta marxuumkii uu horey u dilay kadib markii shalay lagu xakumay dil toogasho.

Dilkan toogashada ah oo ka dhacday meel fagaaro ah ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dad aad u badan oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaalada Beladweyne, waxaana toogashada fuliyey laamaha amniga Gobalk Hiiraan ee Beledweyne.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor