HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dhaawacay taliyihiisa

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dhaawacay taliyihiisa

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Is qab-qabsi ku saabsan bedel ayaa sababay in ay murmaan Eedeysane Dable Axmed Cali Cawaale iyo Dhibane Yuusuf Daahir Cali, waxaana  eedeysane Axmed Cali Cawaale uu ku furay dhowr xabadood taasi oo mid kamid ah sababtay in dhaawac uu ka soo gaaro Yuusuf Daahir Cali oo ahaa taliyihiisii. Axmed Cali Cawaale ayaa loo gudbiyay hey’adda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Is qab-qabsi ku saabsan bedel ayaa sababay in ay murmaan Eedeysane Dable Axmed Cali Cawaale iyo Dhibane Yuusuf Daahir Cali, waxaana  eedeysane Axmed Cali Cawaale uu ku furay dhowr xabadood taasi oo mid kamid ah sababtay in dhaawac uu ka soo gaaro Yuusuf Daahir Cali oo ahaa taliyihiisii.

Axmed Cali Cawaale ayaa loo gudbiyay hey’adda dambi baarista Boliiska (CID)  kadib markii uu dhaawac sababay in lugta laga gooyay uu u geystay taliyihiisii Yuusuf Daahir Cali oo ay ka wada tisanaayeen Ciidamada Boliiska 23-ka bishii lixaad ee sanadkan.

- Advertisement -

Hey’adda  dambi baarista Boliska CID ayaa in muddo ah heysay eedeysanaha iyadoo ka war sugeysa natiijada dhaawacca oo muddo kadib sababay in lugta laga jaro dhibanaha dhaawaca uu soo gaaray.

13-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayay u soo wareegtay eedda Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Side, waxa ayna isla xilligaas weydiisteen Maxkamadda  in loo gudbiyo xabsiga dhexe garsuge ahaan.

Xafiiska ayaa isku howlay sii wadidda baarista, waxa ayna 04ta bishan ay codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista eedda ka dhanka ah Axmed Cali Cawaale oo loo heysto dhaawac  sababay in lugta laga jaro taliyihiisii,  waxa ayna Maxkamadda aqbashay in loo fariisto kiiska dacwadda shan cisha kadib.

- Advertisement -

09ka bishan ayaa markii ugu horreysay loo fariistay dacwadda, waxaana dood dheer oo u dhaxeysay dhinacyada kadib ay Maxkamadda ka dalbatay  Xafiiska Xeer Ilaalinta in la soo dhameystiro cadeymaha kiiska oo ku filnaan waayay fadhiga hore.

18ka bishan ayaa markale loo ballamay eedda dacwadda ka dhanka ah Dable Boliis Axmed Cali Cawaale, waxaana xafiiska xeer ilaalinta ay horkeeneen fadhiga Maxkamadda  Qiraalka eedeysanaha,  ciidamadii ay kawada tirsanayeen ciidanka Boliiska oo ku  marag furay, warqadda dhaawac muujinta iyo qorigii uu dhibka ku geystay.

Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa isna codsaday in ay bixiyaan magta dhibanaha, waxa uu sidoo kale codsaday in loo naxariisto eedeysanaha oo uu ku dooday in ay kaga fakatay xabadda.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Axmed Cali Cawaale lagu xukumo Shan sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale uu bixiyo 50-halaad oo ah magta dhibane Yuusuf Daahir Cali, sida uu u sheegay  dhammaan ka qeyb galayaasha fadhiga Maxkamadda  Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan  Aadan Wabiyow.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajda koowaad.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts