Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday C/llaahi Cali Aaden oo qeyb ka ahaa weerar Sanad ka hor lagu qaaday Xarun uu Magaalada Gaalkacyo ku lahaa Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare.
Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida oo dhegeysiga kiiskan u tagay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday Cabdullaahi Cali Aadan oo ciidamada amnigu ay gacanta ku dhigeen kadib weerar toos ah iyo qaraxyo ka dhacay xarun uu Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare ku laha banaanka magaalada Gaalkacyo halkas oo uu ku dhintay Cabduweli Sheekh.
Maxkamadda ayaa dhowr jeer dhageysatay eedda loo heysto ninkaan ka tirsanaa Alshabaab iyada oo qareenada u dooday ay weydiisteen maxkamadda in laga qafiifiyo xukunka maadaama sida ay sheegeen la qalday.
Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada ayaa sheegtay in ninkaasi uu Al-Shabaab kaga biiray Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay, isla markaana uu ka qeyb qaatay weerarro iyo dilal loo geystay Askar ka tirsanayd Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo DadShacab ah.
Guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanaka qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaqay xukunka isaga oo sheegay in lagu xukumay dil toogasho una dhiganta ciqaabta dembigii uu galay