Maxkamadda Ciidamada oo Maanta xukuntay Nin loo soo qabtay Bambo tuuris

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta xukun xabsi ciidan ah ku riday Nin lagu eedeeyay inuu tuurista Bam-gacmeedka u qaabilsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaasi oo hore  isugu soo dhiibya ciidanka dowladda, balse dib ugu laabtay Al-Shabaab.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Ayuub Cismaan Sheekh Aadan oo ah 24-jir ayaa ku dhashay degaanka Janaale gobolka Shabeellada Hoose, isagoona xilligii uu isku dhiibay ciidanka dowladda maray xarunta dhaqan celinta dowladda.

Ayuub ayaa ku soo bartay Bamba tuurista tuulada Siigaale oo u dhow degaanka Janaale, shaqadii ugu horeysay, wuxuu Bombo F1 ku tuuray ciidan roondo ku jiray oo ku sugan Janaale, wax khasaare ahna ma geysan, ciidankii uu weeraray ayaa soo qabtay ninkaan.

Maxkamadda ayaa ugu danbayn maanta Go’aan ka soo saartay Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq, waxayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor