HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo Maanta xukuntay Haweeney ka tirsaneyd Al-shabaab

Maxkamadda Ciidamada oo Maanta xukuntay Haweeney ka tirsaneyd Al-shabaab

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta xukun ku riday haweeney lagu eedeyay sahminta howlgallada dilalka Qarsoon ee Al-shabaab geystaan iyo Kaydinta hubka fudud sida Bam Gacmeed iyo Bistoolad. Magaca haweeney la xukumay ayaa lagu sheegay Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi, taasi oo lasoo xiray bishii February Sedaxdeedii ee sanadkan, May dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta xukun ku riday haweeney lagu eedeyay sahminta howlgallada dilalka Qarsoon ee Al-shabaab geystaan iyo Kaydinta hubka fudud sida Bam Gacmeed iyo Bistoolad.

Magaca haweeney la xukumay ayaa lagu sheegay Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi, taasi oo lasoo xiray bishii February Sedaxdeedii ee sanadkan, May dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaas ayaa xabsiga dhexe loo diray Garsuge ahaan.

- Advertisement -

“Deeqo Alshaab waxaa ku tashkiiliyay nin ay kala tageen mid saaxiib la’ah, waxa ay keedii hore iyo kan dambe kawada tirsan yihiin Alshabaab, laba sano ayaa laga joogaa markii ay ku biirtay kooxda, waxaana lacag ahaan loo siin jiray Boqol dollar bishiiba” ayaa lagu yiri Qoraal ay soo saartay Maxkamadda Ciidamada.

Deeqo Maxamed Cabdi oo loo yaqaano Faadumo ayaa laga soo qabtay degmada Kaaraan, waxa ayna xilligaasi joogtay Askari katirsan Dowladda oo ay dileen Al-shabaab gurigiisa oo ay daris ahaayeen.

Fadhiya kala duwan kadib Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi 15-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu dhincyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

- Advertisement -

Xukunsaha ayaa haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts