Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo ku dhawaaqaysa  Natiijada Dacwadda badda

Waxaa maanta galinka dambe la filayaa in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ay ku dhawaaqdo go’aanka rasmiga ah e Dacwaddda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa horay u shaacisay in maanta oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 12 October ay ku dhawaaqi doonto Natiijada Dacwaddii ay horay u qaadday, taasi oo umadda Soomaaliyeed ay rajo weyn ka qabaan in loo xukmiyo badda Soomaaliya ee Kenya ay Muranka galisay.

Ma’uuliyiin ka socda Dowaldda Federaalka ah ee Soomaaliya horay ayaa gaaray Magaalada Hague,halkaasi oo ay doonayaan in ay goob joog ka ahaadaan Natiijada kasoo bixi doonta Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

Waxaana mas’uuliyiintaasi hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare ku xigeen dalka, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, waxaana qayb ka aha mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo ay dhammaantood rajo wanaagsan ka muujinayaan Natiijada la filayo in ay soo baxdo.

Dowladda Kenya ee Muranka galisay badda Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in aysan quseyn go’aanka Maxkamadda kasoo baxaya, iyadoo tan iyo markii uu soo ifbaxay Muranka baddu ay Kenya doonaysay in kiiska lagu xaliyo si hoose oo is fahan ah, balse mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa ku adkeystay in baddooda aysan gor-gortan ka gali doonin, oo ay ku qancaan go’aanka Maxkamadda, taasina waxaa ay keentay in Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu xumaaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor