Maxkamadda Boosaaso oo saakay xukun ku riday Eedeysanayaal

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa saakay  xukun ku riday rag dhalinyaro ah, kuwaasi oo fal burcadnimo ah ka geysan jiray Magaalada Boosaaso.

Faysal Cabdinaasir Cabdullaahi iyo Cabdiraxmaan Cali Maxamuud (Awoowe) ayaa lagu eedeeyay inay xiliyada habeenkii ah ay dhac iyo furasho u geysan jireen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan Boosaaso, iyagoona markii dambe la soo qabtay, isla markaana la dhigay xabsi.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ayaa Cabdiraxmaan Cali Maxamuud (Awoowe) ku xukuntay saddex sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa Faysal Cabdinaasir ku xukuntay isna laba sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah, waxaana Maxkamadda lagu soo bandhigay Cadeymo la xiriira Kiiska lagu eedeeyay Raggan.

Ugu dambeyntii Maxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ayaa tilmaamtay inay jiraan rag kale lagu soo eedeeyay Kiiskaas, isla markaana dhawaan la horkeeni doono Maxkamadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media