Maxkamada Sare ee Kenya oo joojisay xiritaanka Dhadhaab iyo Kaakuma

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa si ku meel gaar ah u joojisay go’aankii dhinaca ka rarnaa ee ka soo baxay dowladda Kenya ee ahaa in la xiri doono xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma oo ay ku jiraan in ka badan 400,000 oo qaxooti ah oo intooda badan ay Soomaali yihiin, sida ay ku warameen warbaahinta gudaha.

Go’aanka maxkamadda ayaa waxaa uu ka dambeeyay markii siyaasiyiin maxali ah gudbiyeen dacwad ka dhan ah go’aanka dowladda ku xireyo xeryahaas, iyadoo ku marmarsiyooneysa arrimaha amni la xiriira.

Maxkamadda ayaa dib u dhigtay go’aanka xukuumadda muddo 30 cisho ah.

24 Maarso ee sanadkan ayaa wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiangi ku dhawaaqay in xukuumadda Nairobi albaabada ku laabayso xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma iyadoo hey’adda Qaxootiga ee UNHCR ku wargelisay in muddo 14 cisho lagu fulin doono go’aanka.

Sidan oo kale, Kenya ayaa 2016 shaacisay in ay xireyso xeryaha Qaxootiga, hase ahaatee go’aankaas ma dhaqan gelin.

Go’aanka dowladda Kenya ayaa loo arkaa in arrimaha Qaxootiga ay siyaasadeynayo, maadaama waji gabax kala kulantay dacwaddii Soomaaliya kula gashay maxkamadda ICJ ka dib markii qeyb kamid ah biyaha wadanka ay muran gelisay Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor