Dhageyso:-Maxkamada Ciidamada oo Xukuntay eedeysanayaasha weerarkii Hotel Naasa Hablood 2

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada qalabkas ida ayaa Maanta axa ay xukun ku riday rag loo heysto weerarkii lagu qaaday 28-kii Bishii Octooper ee Sanadkii 2017 Hotelka Naasa hablood  ee Magalada Muqdisho.

Maxkamada ayaa dhawaan soo gaba gabeysay dacwada loo heystay saddexda eedeysane oo kala ah Farxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule,

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in ragas loo heysto weerarkii hotelka Naasa Hablood 2 oo ay ku geeriyoodeen 18 ruux halka ay ku dhaawacmeen 43 qof oo kale.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Maxamed Samatar oo loo yaqaanay(Suheyb) C/naasir Dhaqane Xasan oo loo yaqaanay Cabdi Xamiid (Qoslaaye) iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule oo loo yaqaano Yaxye lagu xukumay Xukun dil toogasho ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media