Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamadaa Qalabka Sida ayaa Khamiistii maanta xukun Xabsi daa’in ah ku riday Lix ruux oo lagu eedeeyay in ay kamid ahaa yeen Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Suxufiyiinta u aqriyay eedemaha laga soo gudbiyay shaqsiyaadkaan Maxkamada ay go,aan ka gaartay .
Lexdan ruux ayaa la sheegay in ay gacanta ku soo dhigeyn ciidanka Galmudug kuwaas oo ku soo wareejiyay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.
Xasan Cali Nuur Shuute Gudoomiyaha Darajada Koowaad ee Maxkamada Ciidamada Qalanka sida ayaa go,aanka Maxmakada kasoo baxay Suxufiyiinta la wadaagay.