Haween ku eedeysnaa dilki Kim Jong Nam oo la soo taagay Maxkamad

Labada Haween ee dilka loo haysto oo ka soo kala jeeda dalalka Indonesia iyo Vietnam ayaa waxaa maanta la soo taagay Maxkamad ku taalla caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lampur.

In ka badan 100 Askari oo aad u hubeysan ayaa sugaya gudaha iyo hareeraha Maxkamadda, si ay u sugaan Ammaanka muddada ay Dacwaddu socoto.

Siti Aisyah oo 25-jir ah iyo Doan Thi Huong oo 28-jir ah ayaa waxaa Maxkamadda la  keenay iyagoo jeebadaysan, waxaana lagu soo oogay falkii lagu dilay Kim Jong Nam oo ay isku aabe yihiin Hoggaamiyaha dalka Waqooyiga Kuurya.

Qareen Selvam Shanmugam oo u doodaya Eedeysanada Doan Thi Huong waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay inaysan wax dembi ah gelin, waxayna Labada Eedeysane beeniyey dacwadda lagu soo oogo.

Dhinaca kale, Dhegeysiga Dacwadaasi ayaa la sheegay in la dhegeysan doono bisha soo socota ee April 13-da.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media