Maxkamadda Malta ayaa waxaa la soo taagay Nin Soomaali ah oo lagu soo oogay inuu labo nin si xun u dhaawacay muddo haatan laga joogo hal sanno.
Ninka Soomaaliga ayaa la sheegay inuu raggaasi kula dagalamay  guri ku yaalla Degaanka Xamruun ee Jesiiradda Malta.
Xeer-beegtida Maxkamadda waxay Ninka Soomaaliga oo aan magaciisa la shaacinin ku xukuntay xabsi 20-bilood.
Dhinaca kale, Garsoore Josette Demicoli oo xukunka riday waxa uu amar ku bixiyey in Labada Dhibane ee la dhaawacay la siiyo Ilaalo suga ammaankooda muddo 3 sanno ah
© Radio Dalsan