Maxkamad ku taalla Gaarisa waxay shalay amartay in la sii daayey Labo nin oo kala haysta dhalashadda dalalka New Zealand iyo Ethiopia, kuwaasi oo isbuucii hore lagu xiray W/bari ee dalkaasi
Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray in ay Maxkamadi amartay in la sii daayo raggaasi oo ay Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi ku tuhmeen inay gacan-saar la leeyihiin Xarakadda Alshabaab.
Sulub Warfaa oo haysta dhalashadda dalka New Zealand iyo Saakhawadiin C/llaahi oo haysta dhalashadda Ethiopia ayaa lagu kala sheegay magacyadda labada qof ee la sii daayey.
Dacwad-oogayaasha Kenya ayaa sheegay in Baasabooradda labadaasi nin ay sax yihiin, isla markaana ay si sharci ah ku joogeen gudaha dalka Kenya.
Ciiddanka Ammaanka ayaa la sheegay inay raggaasi qabteen, xilli ay ka soo ambabaxeen Garissa, kuna wajahnaayeen caasimadda dalkaasi ee Nairobi.
Dhinaca kale, Sulub Warfaa oo Suxufiyiinta kula hadlay bannaanka Maxkamadda Garissa waxa uu Dowladda Kenya ka codsaday inay raalli-gelin ka bixiyaan Xarigiisa.