Maxkamad ku taalla Dalka Pakistan oo sii daysay nin kufsaday haweeney kadib markii uu guursaday?

Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa sii daysay nin kufsaday haweeney kadib markii uu guursaday dhibbannihiisa, taasi oo ka dhalatay heshiis ay ka shaqeeyeen odayaal dhaqameedyo, waxaa sidaas maanta sheegay qareenkiisa.

Go’aankan ayaa ka careysiiyey kooxaha u dhaqaaqa xuquuqda aadanaha, kuwaas oo sheegay inuu sharciyeynayo rabshadaha galmo ee ka dhanka ah haweenka Pakistan oo ah dal inta badan kufsiga aan la shaacin.

Dawlat Khan, oo 25 jir ah, ayaa bishii May waxaa xabsi daa’in ku xukuntay maxkamad hoosaad ku taalla degmada Buner ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa kadib markii uu kufsaday haweeney maqalka la’.

Waxaa xabsiga laga sii daayey Isniintii kadib markii Maxkamadda Sare ee Peshawar ay aqbashay heshiis ka baxsan maxkamadda oo ay ogolaadaan qoyska haweeneyda la kufsaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor