Maxkamad ku taalla dalka Hindiya oo maanta go’aan ka gaari doonta dacwad loo haysto Burcad-baddeed Somali ah.

Garsoorka Khaaska ee Maxkamadda magaalladda Mumbai ee dalka Hindiya, V.V. Kathre ayaa lagu wadaa inuu maanta go’aan ka qaatay Codsi-wadareedka 119- Burcad-baddeed Somali ee lagu soo oogay inay afduubteen Maraakiib ay la socdeen Badmaaxiin u dhalatay dalka Hindiya iyo Waddamo kale.

Ku-dhawaad 50 ka mid ah Bad-maaxiintaasi ayaa laga cabsi qabaa in Xukun Dil ah lagu fuliyo, sida ay Dacwad-oogayaasha ka codsadeen Maxkamadda.

Burcad-baddeeda ayaa waxay tan iyo sannadkii 2011-kii ku xiran yihiin Xabsiga Taloja prison ee magaalladda Mumbai.

Qareenka wakiilka uga ah Safaaradda Somalia dacwadaasi o olagu magacaabo Avvocate Vishwajeet Singh ayaa u sheegay  Maxkamadda inay Rafcaan ka qaadaan doonaan haddii Eedeysanayaasha lagu xukumo Xukun Dil ah.

Balse, Dacwad-oogaha Dowladda ee Maxkamadda Mumbai, Ranjeet Sangle ayaa ka soo horjeestay Qirashadda Eedeysanayaasha ee Dembiga lagu soo oogay.

Waxa uu tilmaamay in in 75 Markhaati Badmaaxiin shisheeye wareysatay Maxkamadda 3-dii sanno ee la soo dhaafay, inkastoo uu qiray inay kuwo kale oo ka soo jeeda Malaysia iyo Indonesia diideen inay ku markhaati furan Burcad-baddeeda.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor