Wargeyska Bristol Post ee ka soo baxa dalka Britain waxa uu qoray in 4 nin oo Dilayaal ah, kuna caan baxay Burcadnimo iyo Kufsi ayaa la soo taagay Maxkamadda Bristol Crown Court ee dalkaasi.
Maxkamaddu waxay sheegtay inuu isbuuc aad u mashquul badan u ahaa qaadista Dacwadaha loo haystay raggaasi oo  kala ahaa 2 Somali ah iyo 2 u dhalatay dalka Britain.
Burcadaas oo ku caan baxday tahriibinta iyo iibinta noocyadda Daroogadda ee ugu khatarta badan waxay ku eedeysnaayeen inay weerareen 3 dhallinyaro Somali ah oo qeyb ka ah Ganacsiga Daroogadda.
Burcadda waxay dhallinyarada Soomaalida ku weerareen mindiyo, maqaro iyo qoryo, waxayna halkaasi ku dileen Marxuum la oran jirey Yaasiin Salax Axmed oo 21-jir ah.
Burcaddaasi waxay kaloo si xun u dhaawaceen 2 dhallinyaro Somali ah oo magacyadooda lagu kala sheegay:Â Ayuub Diiriye iyo Axmed Jamaac.
Afarta Eedeysane ee loo haysto dilkaasi ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay:
Koriye Xasan oo 26-jir ah, Yoonis Dhiblaawe oo 24-jir ah, Leyon Eaton oo 37-jir ah iyo Jordan Lee Parker, oo 23-jir ah.