Maxkamad dib u dhigtay dhageysiga Dacwad loo heestay Muwaadin Soomaaliyeed 

Garsoore Federaal oo ka hawlgala Maxkamad ku taalla Gobalka COLUMBUS ayaa dib u dhigay Dacwadaasi oo loo haystay Eedeysanahaasi oo magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Sheikh Maxamuud.

Garsooraha oo lagu maacaabo Garsoore James Graham ayaa sheegay inuu doonayo inuu wax badan ogaado, gaar ahaan Fikradda uu Eedeysanaha haatan maskaxdiisa ku jirta.

Garsoore James Graham waxa kale oo uu tilmaamay inuu Kiisaskaasi ku jiro qoddobo khatar ah, oo ay ku jirto inuu Eedeysanaha u socdaalay dalka Syria labo bilood kadib, markii uu Muwaadnimadda Maraykanka (US Citizen) ka qaadanin Gobalka COLUMBAS.

Ma aha arrin caadi inay Garsoorayaasha codsadaan waqti dheeri ah oo ku aadan Kiisaska Eedeysanayaasha, ka hor dhegeysiga Kiisaskooda.

Dhegeysiga Dacwadda loo haysto C/raxmaan Sheekh Maxamuud waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ahQareenadiisa iyo Qoyskiisa

Dowladda Maraykanka waxay ku eedeynaysaa inuu C/raxmaan Sheiukh Maxamuud inuu noqday Muwaaadin, si uu u helo Baasaboorka Maraykanka, kadibna uu iibsaday Tikidh Diyaaradeed oo uu ku aaday dalka Turkiga, si uu ugu sii gudbo dalka Syria.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inay FBI-da Maraykanka soo qabteen sannadkii 2015-kii. Iyadoo lagu soo celiyey Maraykanka.

Qoraal FBI-da u gudbisay Maxkamadda ayey ku sheegeen inuu Eedeysanaha qorsheynayey inuu weeraro geysto.

Dhinaca kale, Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu codsaday in laga cafiyo Dembiyadda lagu helay, isagoo sheegay inay Kooxda Daacish u tababartay Xag-jirnimo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media