HomeWararMaxay tahay sababta rasmiga ah ee ka dambeysay Is Casilaadda Axmed Macalin...

Maxay tahay sababta rasmiga ah ee ka dambeysay Is Casilaadda Axmed Macalin Fiqi?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wasiirkii Amniga Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Macalin fiqi ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay maamulkaasi, waxaana sidoo kale uu shaaciyay sababta rasmiga ah ee ka dambeysay inuu is casilo, xilli xaaladda Maamulkaasi Galmudug ay gashay waji cusub oo u eg saan-saan dagaal. Axmed Macalin Fiqi ayaa soo saaray qoraal dheer oo uu ku faah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirkii Amniga Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Macalin fiqi ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay maamulkaasi, waxaana sidoo kale uu shaaciyay sababta rasmiga ah ee ka dambeysay inuu is casilo, xilli xaaladda Maamulkaasi Galmudug ay gashay waji cusub oo u eg saan-saan dagaal.

Axmed Macalin Fiqi ayaa soo saaray qoraal dheer oo uu ku faah faahiyay waxyaabaha ku qasbay inuu banneeyo Xilka Wasiirka aminiga, oo uu hayay tan iyo markii lasoo dhisay Golaha Wasiirada Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ah madaxweynaha haatan talada Maamulkaasi haya.

- Advertisement -

Waxaa uu tilmamaay in arrinta Ahlu-Sunna Waljameeca darteed uu xilka isaga Casilay, maaddaama sida uu sheegay ay Madaxweynaha Maamulkaasi isku fahmi waayen hannaanka loo wajahayo khilaafka xooggan ee hadda ka dhex-taagan maamulka Qoorqoor iyo Ahlu Sunna oo dib ugu soo laabtay degaanada Maamulkaasi, iyagoo hubeysan Ciidan Farabadanna aruursaday, sidoo kalena Qabsaday degaanno iyo magalooyin muhiim u ah Galmudug.

Axmed Macalin Fiqi ayaa Qoraalkiisa ku sheegay in Madaxweyne Qoorqoor uu u gudbiyay is casilaaddiisa, waxaana uu sheegay In Madaxweynuhu uu doortay waddada dagaalka, taasi oo keentay in uu xilka isaga dego waa sida uu qoraalkiisa ku sheegaye.

“Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya, ee uu  asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

- Advertisement -

Waxaa uu intaas ku daray Axmed Macalin Fiqi in Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu Ciidamo farabadan ka daadgureeyay Muqdisho, si uu ugu weeraro Ahlu-Sunna, kuwaasi oo sida uu sheegay aan lagala tashan Wasaaraddiisa oo arrimaha amniga Galmduug ku shaqo leh. ”asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn, aniguna aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas” ayuu yiri Wasiirka iscasilay ee Galmudug.

Tan iyo markii ay Ahlu-Sunna dib isku soo hubeeyeen, waxaa soo baxay kala aragti duwanaan iyo sidoo kale khilaaf ka dhex dhashay Mas’uuliyiinta galmudug, iyado si weyn la isugu Khilafay habka loo wajahayo xoogagga hubeysan ee ASWJ, kuwaasi oo degaanno badan oo ka tirsan Maamulkaasi gacanta ku dhigay.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts