Maxay tahay Khatarta ku wajahan dalka Shiinaha ee laga digayo?

Madaxda laamaha ammaanka ee Maraykanka iyo UK ayaa si aan horay looga baran oo wadajir ah uga hadlay wax ay ku tilmaameen khatar dhinacyo badan leh oo ka imanaysa dalka Shiinaha.

Agaasimaha hay’adda FBI, Christopher Wray, ayaa sheegay in Shiinaha uu yahay khatarta ugu weyn ee labada waddan ay wajahayaan, isagoo ku eedeeyay xukuumadda Beijing inay waddo faro-gelin siyaasadeed, gaar ahaan doorashooyinkii dhawaan dhacay.

Ken McCallum oo madax u ah hay’adda MI5 ee UK ayaa sheegay inay saddexdii sano ee la soo dhaafay laba-laabeen ka hortagga falalka Shiinaha uu wado.

Christopher Wray ayaa shirka jaraa’id ee ay wadajirka London ugu qabteen asaga iyo Ken McCallum waxa uu ku sheegay in haddii Shiinaha uu xoog ku qabsado Taiwan, ay taasi “yeelan doonto saameyn dhaqaale oo aan horay looga arag caalamka.”

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor