Maxay ka Wadahadleen Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK iyo Madaxweyne Xasan Sheekh?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Arrimaha Debedda ee UK James Cleverly ayaa khadka isgaadhsiinta kaga wada hadlay, qodobo ay ka mid yihiin in la xoojiyo xidhiidhka labada dal.

Xoghayaha Arrimaha Debedda ee UK ayaa qoraal kooban ku daabacay bartiisa Twitterka, isagoo sheegay in dawladdiisu ay sii wadayso taageerada ay Soomaaliya ka siiso dhinaca la dagaalanka ururka al-Shabaab.

Sidoo kale Xoghayaha arrimaha debedda ee Britian ayaa sheegay in dalkiisu uu Soomaaliya ugu deeqay sannadkan in ka badan £50 milyan oo lacagta ingiriiska ah, taasoo ay si gaara loogu qorsheeyey in lagu taageero shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, gaar ahaan kuwa ay haysato cunto yaraanta, biyo la’aanta iyo adeegyada kale ee dhinaca caafimaadka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor