Maxay ka wada hadleen Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle?

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud ahna Musharax u taagan qabashada Xilka maadxweynaha Soomaliya.

Cali Guudlaawe ayaa hoygiisa ku booqday Xasan Sheekh Maxamuud, waaxana labada mas’uul ay yeesheen Kulan saacado qaatay oo ay kagaga hadleen arrimo dhowr ah oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana kulanku uu ahaa mid xasaasi ah.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii looga gudbi lahaa is mari waaga taagan oo loo xallin lahaa is mari waaga taagan ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo Midowga Musharxiinta ee dowladda Mucaaradka ku ah.

Wali waxaa taagan khilaafka la xariira doorashada dalka lafilayo in ay dhawaan ka dhacado, waxaaana si weyn la isugu khilaafsan yahay guddiga doorashooyinka, iyadoo Midowga musharixiinta ay si weyn kaga soo horjeesteen Guddiga loo xilsaaaray doorashada, waxaana sidoo kale maadxweyne yaasha maamul goboleedyada Galmudug, Hir-shabeelle iyo koonfur Galbeed ku howlanaayeen sidii labada dhinac la isugu soo dhaweyn lahaa, inkastoo la sheegay in isku daygaasi uusan guulaysan walina khilaafkii taagan yahay.

Comments
Loading...