Wasiirka Gaaashaandhigga Dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed nNuur ayaa kulan gaar ah la qaaatay Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa.
Kulanka labada Mas’uul ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah, iyadoo diiradda lagu saaray kulanka Amniga guud ee dalka, kan doorashada iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kulanka uu la qaatay Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye waxaa uu ku sheegay in uu ahaa mid muhiim ah, sidoo kalena mira dhal ah.
“Waxaan kulan miro dhal ah la qaatey wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye. Waxaan ka wada hadalney Amniga guud ee dalka, kan doorashada iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika (ATMIS)†ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga kadib Qoraal uu saaray.