Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan, waxaana ay yeesheen kulan Xasaaasi ah oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira Siyaasadda dalka.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka, nabadgalyada iyo Iskaashiga Somaaliya iyo Caalamka ee ku aaddan arrimaha horumarinta dalka.

Maxamed Xuseen Rooble oo dhawaan ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa ayaa waxaa hor yaalla arrimo ay ka mid yihiin dar-dar galinta doorashooyinka soo aaddan, waxaana aad u kooban waqtiga uu haysto Ra’iisul Wasaare Rooble.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media